GUDAHA/wararka

Maxay tahay saanada ciidan ee uu waday Markabka MV Lutuf ee ay afduubteen Burcadbadeeda?

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada Turksom ee magaalada Muqdisho ay Kooxo burcad-badeed ah ku afduubteen Xeebaha Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Saanadan ayaa la soo warinayaa in ay saaran tahay Markabka M/V Lutuf oo ku gooshayay calanka dalka Cameroon, kaasi oo ay qabsadeen kooxo
hubeysan xilli uu marayay biyaha Gobolka Nugaal.

Sida ay werisay wakaaladda AP iyo BBC-da, markabka waxaa saaran agab milatari oo laga soo raray dalka Turkiga, isla markaasna loo soo waday Xerada Turksom ee lagu tababaro Ciidamada Soomaalida.

Kooxaha burcad-badeedda ayaa dalbaday madax-furasho dhan $2 milyan oo doollar.

Maraakiibta dagaalka ee Turkiga la soo warinayaa in ay ku sugan yihiin aaga Biyaha gobolka Nugaal, iyadoo Ilaa saddex duqeyn oo sababtay dhimasho iyo dhaawac sababay ay ka dhaceenxeebaha gobolka Nugaal.

Axaddii la soo dhaafay, gantaal ayaa lagu dhuftay doon yar, iyadoo ay ku dhinteen 7 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, dawladda Turkiga ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho eedeyntaan, taas oo sii kordhisay shakiga ku aaddan saanadda saaran markabka.

Afduubka M/V Lutuf ayaa noqonaya kii 13-aad ee sannadkan 2026 ay afduubtaan Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida oo soo laba kacleeyay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray Mareykanka

Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto  tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay…

49 mins ago

Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?

Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…

7 hours ago

Ardaydii ugu yarayd oo ku dhacday Imtixaanka Dugsiga Sare ee maamulka Waqooyi Galbeed

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…

8 hours ago

Go’aannada Maxkamadda Sare ee murunnada Doorashooyinka Soomaaliya iyo Saamayntii ka dhalatay (1963-2026)

Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…

8 hours ago

Maraykanka oo 46 sano kaddib Suuriya ka saaray Liiska Dalalka taageera Argagixisada

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…

8 hours ago

Liibiya oo doonaysa in ay kordhiso shidaalka maalinlaha ah ay soosaarto

Dowladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso shidaalka ay sida maalinlaha ah usoo saarto…

9 hours ago