GUDAHA/wararka

Shiinaha oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray Mareykanka

Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto  tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo danteeda iyo xuquuqda ganacsiyadeeda, ka dib markii Mareykanku uu shaaciyay qorshe lagu ballaarinayo cunaqabataynta dhaqaale ee ka dhanka ah dalka Iran iyo cid kasta oo xiriir ganacsi la leh, oo uu ku jiro Shiinuhu.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Lin Jian, oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayaa cambaareeyay hadalka ka soo yeeray Mareykanka.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in iskaashiga u dhexeeya Shiinaha iyo Iran uu yahay mid ku dhisan sharciga caalamiga ah, uuna yahay mid xalaal ah oo aan mudnayn in la farageliyo ama la carqaladeeyo.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka, Scott Bessent, uu Isniintii ku dhowaaqay wax uu ku tilmaamay weerarkii ugu weynaa ee dhanka maaliyadda ee abid  lagu qaado Iran.

Bessent ayaa ka digay in waddan kasta, bangi, ama shirkad kasta oo xiriir dhaqaale la leh Iran ay la kulmi doonaan go’doon caalami ah haddii aysan xiriirka u jarin xukuumadda Teheran.

Shiinaha ayaa ah dalka ugu weyn ee iibsada saliidda Iran, in kasta oo ganacsigaasi uu hoos u dhacay sanadihii u dambeeyay sababo la xiriira go’doominta Mareykanku ku hayo dekedaha Iran.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay saanada ciidan ee uu waday Markabka MV Lutuf ee ay afduubteen Burcadbadeeda?

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada…

2 hours ago

Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?

Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…

7 hours ago

Ardaydii ugu yarayd oo ku dhacday Imtixaanka Dugsiga Sare ee maamulka Waqooyi Galbeed

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…

8 hours ago

Go’aannada Maxkamadda Sare ee murunnada Doorashooyinka Soomaaliya iyo Saamayntii ka dhalatay (1963-2026)

Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…

8 hours ago

Maraykanka oo 46 sano kaddib Suuriya ka saaray Liiska Dalalka taageera Argagixisada

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…

9 hours ago

Liibiya oo doonaysa in ay kordhiso shidaalka maalinlaha ah ay soosaarto

Dowladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso shidaalka ay sida maalinlaha ah usoo saarto…

10 hours ago