Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug waxaa berri lagu wadaa in uu ka furmo shir weyne qaran oo xalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si looga xaajoodo guda-gelista Doorashooyinka.
Shirkaan waxa uu Madaxweynaha isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si looga xaajoodo arrimaha doorashooyinka gaar ahaan heshiiskii 17-kii September 2020 oo ka dhashay kulamadii Dhuusamareeb 1,2, iyo 3.
Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada DG Galmudug ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in isla maanta gelinka dambe ay sugayaan wufuud hordhac ah oo gaareysa Magaalada Dhuusamareeb, balse madaxda intooda badan berri ay tagayaan xarunta maamulkaas.
Galmudug ayaa diyaarineysa xarumaha la dejinayo Madaxda heer Federaal & heer Dowlad Goboleed, marka laga tago Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saldhiganaya Aqalka Madaxtooyada Dhuusamareeb.
Dhinacyada kulmaya waxaa horyaalla ka gudubka caqabadaha horyaalla sida gaar ah saddexda qodob ee sababtay in aysan qabsoomin Doorashooyinka dalka sida ay ku doodayaan qaar kamid ah dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasadda.
Beesha Caalamka ayaa culeys saareysa Madaxda Federaalka & kuwa Dowlad Goboleedyada si Shirkaan uusan uga gudbin ugu dambeyn 4-ta Febaraayo 2021 oo ku beegan Khamiista si maalmo kadib dalka ay uga bilaabato Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Haddaba, Shirka Dhuusamareeb ee saddexda Cishe uu u qabtay Madaxweyne Farmaajo miyaa xal looga gaari doonaa arrimaha Doorashooyinka?
Mustaqbal.
Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada…
Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…
Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…