Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyn shaaciyay waqti la isugu imaanayo shirweyne qaran oo looga go’aan gaarayo arrimaha Doorashada Soomaaliya si looga gudbo caqabadaha taagan.
Saacado kadib kulan socday waxaa ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo lagu qanciyay in uu iclaamiyo shir ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo ah dhinacyadii saxiixay heshiiska 17-ka September 2020 balse dhaqangalkiisu muranka sababay.
Shirkaan ayaa ka dhigan in dib loogu laabanayo Magaalada Dhuusamareeb oo uu kasoo aas-aasmay heshiiska ugu dambeyn Muqdisho lagu dhammeystiray isla markaana lagu qabtay Shirarkii Dhuusamareeb 1,2 & 3, waxaana uu bilaabanaya 1-da Febaraayo 2021 oo Isniinta ku beegan isaga oo soconaya ilaa 3-da Febaraayo 2021 oo Arbacada Todobaadkaan ku beegan.
Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa sidaan hoose u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go’aanadan:
1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.
2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.
3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.
4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.
Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada…
Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…
Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…