GUDAHA/wararka

DG Jubbaland oo soo dhaweysay Shirka Dhuusamareeb (4).

Wasiirka Warfaafinta DG Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay BBC ayaa sheegay in maamulkiisa uu soo dhaweynayo shirka Dhuusamareeb (4) uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay kulan looga xaajoodo xaaladda kala guurka dalka si loo saldhigo muddo xileedka gaba-gabada ah ee Dowladda Federaalka loona abaabulo qabashada Doorashada Dalka.

Cabdi Xuseen Wasiirka Warfaafinta DG Jubbaland ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu diyaar u yahay ka qaybgalka kulankaas, maadaama xal ka gaaris uu yahay caqabadaha hortaagan waa haddii si dhab ah looga hadlo qodobada la isku qabtay.

Dhanka kale waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeyay in muddo uu ka caga-jiidayay isu keenidda saamileyda siyaasadda si la isaga xog wareysto habka ugu fudud ee lagu xalin karo khilaafka dib u dhigay qabsoomidda Doorashooyinka lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

Khilaafka ka dhashay Ciidamada Dowladda ee la geeyay Gobolka Gedo waa qayb kamid ah saddexda qodob ee la isku qabtay taas oo loo sababeynayo dib u dhaca doorashooyinka lagu heshiiyay, isla markaana jadwalkeeda la dejiyay 1-dii October 2020.

Axmed Madoobe ayaa markii uu saxiixayay heshiiska Doorashada uusan soo bandhigin ama ku xiran ka qaadista Ciidanka Dowladda Gobolka Gedo, balse markii uu dib ugu laabtay Kismaayo ayuu sheegay in fulinta heshiiska ay ka horeyso in ciidankaas laga soo qaado Gedo si uu doorasho ugu qabto, haddii kale uusan diyaar u ahayn in Kismaayo keliya uu ku qabto.

Mustaqbal.

MM Editor

Recent Posts

Shiinaha oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray Mareykanka

Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto  tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay…

40 mins ago

Maxay tahay saanada ciidan ee uu waday Markabka MV Lutuf ee ay afduubteen Burcadbadeeda?

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada…

1 hour ago

Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?

Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…

7 hours ago

Ardaydii ugu yarayd oo ku dhacday Imtixaanka Dugsiga Sare ee maamulka Waqooyi Galbeed

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…

7 hours ago

Go’aannada Maxkamadda Sare ee murunnada Doorashooyinka Soomaaliya iyo Saamayntii ka dhalatay (1963-2026)

Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…

8 hours ago

Maraykanka oo 46 sano kaddib Suuriya ka saaray Liiska Dalalka taageera Argagixisada

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…

8 hours ago