Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu u soo horjeestey go’aan ka soo baxay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo uu shaqadii uga joojiyay guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Shabeellade dhexe.
Qoraalka uu soo saaray Barre ayaa waxaa ka muuqday khilaaf maalmihii la soo dhaafay la sheegayay in uu ka dhex jiro guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Mudu xilleedkiisu sii dhamaanayo iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
“Ma jiro xilka qaadis madaxda Maamulka Hirshabelle sameyn karto laga bilaabo maanta oo ah 21ka bisha April 2020.maadaama lagu gudo jiro xilli kala guur ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo ka koobnaa shan qodob.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare oo lagu ogeysiinayay Madaxweyne kuxigeenka, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda ayaa lagu sheegay sheegay in shaqada laga joojiyay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/Dhexe Cali Cabdulle Nuur.
Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Cali Cabdulle Nuur ayaa lagu eedeeyey in ay jebiyeen amarkii lagu joojiyey isku imaatinka dadka, isla markaana si Sharci darro ah ay ku fureen Goob ay dad badan isugu yimaadeen.
Madaxda Dowlad-Goboleedka Shirshabeelle oo mudo xilleedku gabaabsi yahay ayaa waxaa soo baxaayay mudooyinkaan dambe in khilaaf xooggan soo kala dhexgalay Gudoonka Baarlamaanka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…