WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Covid-19: 24 saac ee lasoo dhaafay waxa dalka ugu dhimatay 6 ruux.

Wasaaradda Caafimaadka Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixintii Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan.

6-qof ayaa lagu sheegay in ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19, taas oo tirada guud ka dhagaysa 13 ruux sida ay qajiisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale 49-qof oo kale ayaa loo diiwaan geliyey in ay qabaan cudurka Coronavirus, sida lagu shaaciyey warbixinta oo la soo saaro 24 saac oo kaste.

30 kamid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin.

Warbixinta caawa ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba qof ay kasoo bogsatay xanuunkaas, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badney oo bogsasho ah oo hal maalin la shaaciyo.

Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Coronavirus ayaa gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay in ka badan 10 ruux, waxaana ka bogsatay xanuunka 6-qof.

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

1 hour ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

3 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

5 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

5 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

6 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

17 hours ago