Wasiirka Wasiiradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sheegay in sare u kac uu ku yimid Maciishadda kala duwan iyo qudul-duruuriga sabab ka dhalatay xannibaadda cudurka Coronavirus.
Wasiirka ayaa sheegay in Ganacsatada Dowladda ay u sameysay Canshuur dhaaf, sababta sidaas loogu sameeyay waxa uu ku tilmaamay in aysan isbadal ama qiimo kororo ku imaan maciishadda.
Injineer Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa sheegay in aan loo dulqaadan Karin in ganacsatada iyo shaqsiyaadka qaar ay dano gaarka ah ka eegtaan xayiraadda Caalamiga ah ee looga hortagayo Faafidda Covid-19.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa sheegtay in ay waddo dadaalo kala duwan oo lagu xakameynayo isbadalka Maciishadda, maadaama ay nagu soo wajahan tahay bisha Barakeysan ee Ramadaan, Bulshada intooda badana saameyn taban ku yeelan karto qiimo kororoka qudul-duruuriga.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kol hore la kulmay Ganacsatada Gobolka Banaadir waxa uu kala hadlay sidii aan isbadal ugu imaan lahayn badeecadaha ay bulshada ka iibiyaan, sabab la xiriirta xannibaadda cudurka Covid-19.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…