Sergio Ramos:” Jordi Alba waa xidiga ugu wanaagsan xulka Spain”

Daafaca mayalka adage e kooxda Real Madrid iyo xulka Spain Sergio Ramos ayaa ammaan kala dul dhacay xidiga ay isku xulka yihiin ee Jordi Alba.

Ramos ayaa Jordi Alba u arka mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican daafaca bidix ee adduunka marka loo eego qaab ciyaareedkiisa wakhtigii ugu dambeeyay.

Xulka qaranka Spain ayaa caawa la ciyaari doona xulka England kulan ka tirsan tartanka UEFA National League wareegii 4-aad ee tartanka.

Jordi Alba ayaa si joogto ah ugu ciyaara kooxdiisa Barcelona xilli ciyaareedkan iyo tan ilaa markii uu ku soo biiray isaga oo waliba ka mid ah xiddigaha ugu saamaynta badan Barcelona.

Laakiin tababarihii hore ee kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah uga reebay xulka Spain markii 2-aad oo xiriir ah isaga oo ka doorbiday xiddigo ay ka mid yihiin Marcos Alonso iyo xiddigo kale.

Ramos oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Aniga iyo Alba waxa aan iska garab ciyaarnay sanado badan waa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican booskiisa sida ay xogtiisu muujinauso waxaana dhihi karaa waa go’aan layaab leh in xulka laga reebo Alpa” ayuu yiri Ramos.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

14 mins ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

2 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

4 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

20 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

23 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

1 day ago