Daafaca kooxda Man United iyo xulka Ecuador Antonio Valencia ayaa qorsheynaya inuu gabi ahaanba kooxda isaga hayaamo suuqa janaayo.
Valencia ayuu heshiiskiisa ku jiraa shardi u ogolaanaya in uu heshiis hordhac ah la sii saxiixdo kooxda uu doonayo bilowga bisha March hadii ayna Man United dhaqan galin halka sano ee dookha ah ee ku jira heshiiskiisa.
Maamulka Man United ayay tahay in ay go,aanka gaaraan 1 bisha March ama ay 33 jirkan u ogolaadaan in uu kooxda uu doono wadahadalo la furo sida laga soo xigtay The Sun.
Xiddiga reer Ecuador ayaa kuso biiray khilaafka ka jira kooxda ee u dhexeeya xiddigaha iyo waliba tababaraha kooxda ee Jose Mourinho.
Mourinho ayaa xiddiga ku eedeeyay in uu cayilay isaga oo sidoo kale kaydka dhigay kadib markii uu Like saaray qoraal lagu dhaleecaynayay tababarihii hore ee Real iyo chelsea.
Inkasta oo uu ku faraxsan yahay in uu sii joogo United inkasta oo ay dhibaato ku haysato hadana Waxa calaamad su,aal la saaray mustaqbalkiisa Old Trafford.
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…