Sawirro: Madaxweynaha Hirshabelle Oo la kulmay Taliyaha Guud Ee AMISOM.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee  AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waxana kulanka ku wehelinayey  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, Iyadoo  ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah islamarkaana loo furi lahaa Wadooyinka Kala xiran dadkana looga dulqaadi lahaa Cadowga gumaadka ku haya.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada looga xoreynayo kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale  diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee Dalka ay la wareegaan Ciidamada Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka, waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha lagula dagaalamayo Argagaxisada oo aynan Dowladda iyo Amisom noqonin kuwa difaac uun ku jira laakiin loo baahanyahay in noqdaan kuwa baacsada kooxahaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa uga mahadceliyey AMISOM  sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan  waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga Gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgalo lagu Baacsanayo kooxda Nabad Diidka ah ee Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelle  Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

4 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

4 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

5 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

8 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

10 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

10 hours ago