Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ayaa maanta ka qaybgalay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidamadaan tababarka la siiyay ayaa isugu jiray Ciidamada Badda, Cirka iyo Dhulka, waxaana lagu tababaray Xerada Turksom ee ay Saraakiisha Turkigu Leyliyada Ciidan ku bixiyaan.
Tababarkaan ayay qaadanayeen muddo dhan 12-Bilood ah, iyada oo ay maanta dhammeysteen layliga saraakiisha
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo la hadlay Saraakiisha iyo saraakiil Xigeenada Tababarka qaatay ayaa u sheegay in ay Dalka ugu faiidiyaan.
“Maanta waaa Muhiim in aad Dugsigaan ka qalin jabisaan oo aad noqotaan Saraakiil Xigeeno kamid noqonaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kana qayb qaadanaya dib udhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayuu Yiri Gudoomiye Mursal.
Waa uu hadlay waxa uuna sheegay in Kaalinta Sugidda Amniga in ay ka saaran tahay Mas’uuliyad weyn, mustaqbalkana ay dalka u horseedaan in ay la wareegaan Ammaankiisa sida uu hadalka u dhigay.
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…
Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…
Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…
Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…