GUDAHA/wararka

Sawir Dayax-gacmeed looga qaaday Gaza oo muujinaya sida ay Israa’iil u burburisay Magaaladaas

Sawir lagu qaaday Dayax-gacmeed ayaa muujinaya burburka arxan-darrada ah ee Israa’iil ka gaysatay Magaalada Gaza dhulka Falastiin muddo 2 sano gudahood ah, waxa ay tani muujinaysaa awoodda hubka culus ay adeegsatay Yuhuudda.

Dhismihii isugu jiray guryaha ay degenaayeen Dadka, goobaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo xarumihii kale ee halkaas ku yaallay ayaa si isku mid ah waxaa u burburiyay ciidanka Israa’iil ee adeegsaday hub aad u xooggan.

Teleefishinka Aljazeera oo la hadlay khubarro kala duwan waxa ay u sheegeen in dhulka Gaza dib u dhiskiisa waqti iyo dhaqaale badan ku bixi doonaan marka la eego sawirkaan cusub ee lagu baahiyay baraha Bulshada ee dayax-gacmeedka lagu qaaday.

Dadka reer Gaza waxaa intaas u dheer in aanay haysan xasilooni ay ku joogaan guryahooda burbursan oo waxaa si arxan-darro ah u beegsanaya Israa’iil oo duqeymo iyo weerarro dhulka ah isugu daray, sidoo kale ma haystaan cunno, biyo & goobo caafimaad.

Midowga Yurub ayaa todobaadkaan sheegay in xaaladda Gaza ay tahay mid aad u adag, waxa uu soo jeediyay in la raadiyo xal degdeg ah si loo daba-qabto Dadka macluusha hayso ee cunnadii loo qoondeeyay sida kibirka ah ay u hortaagan tahay Israa’iil.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago