GUDAHA/wararka

Ciidamada DFS & AS oo ku dagaalamay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan ayaa dagaal kala hortagay xubno katirsan ‘AS’ oo weeraray Degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Dagaalka ayaa ku billowday Gawaari lagu raray walxaha qarxa, waxaa xigay dagaal toos ah iyada oo dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqlayeen hubka culus ee ku xiran Gaadiidka ciidamada iyo kuwa garbaha laga tuuro oo ay isu adeegsanayeen labada dhinac.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kahortageen inay ‘AS’ weerarkaas ku qabsato Magaaladaan Xeebta leh ee dhacda Koofur Bari Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo muddo ka badan 1 saac ka socday Degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduud, wararka ayaa sheegaya in weli Magaaladaas ay ka taagan tahay xaaladda ka dhalatay colaaddaas.

Dowladda Federaalka iyo ‘AS’ ayaa guullo ka kala sheegtay, dhinac weliba waxa uu sheegay in uu gacanta ku hayo isla markaana uu khasaara xooggan uu gaarsiiyay dhanka kale, balse si dhab ah looma ogaan ilaa haatan khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

11 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago