GUDAHA/wararka

Guddoomiyaha SoDMA & MW Firdhie oo kawada hadlay Xaaladaha bani aadamnimo ee deegaannada DG Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Magaalada Laascaanood kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, waxa ay kawada hadleen arrimaha bani aadamnimada ee deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka ee Maamulka Waqooyi Bari iyo mas’uuliyiin kale, waxa ay Hay’adda SoDMA la wadaageen xaaladaha bani aadamnimo iyo taakulada ay uga baahan yihiin Hay’addaan.

SoDMA ayaa horay deegaannada Maamulka Waqooyi Bari gaarsiisay gargaar ka yimid qaar kamid ah Dowladaha Soomaaliya ku gacansiiyay kaalmada bani aadamnimada, balse waxaa weli jirta baahi ay Dadku u qabaan in taakulo kale ay helaan.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee looso gaabiyo SoDMA waxa ay gacanta ku haysaa gargaar bani aadamnimo oo ka kala yimid Dalalka kala duwan kuwaas oo qaarkood kol hore u dirtay Dowlad-Goboleedyada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

36 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

51 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago