Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Gobolka Baay.
Howlgalka oo ay sameeyeen Ciidamada Koofur Galbeed, waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo barariye oo qiyaastii 30km koofur kaga toosan degmada Bir Hakaba.
Howlgalka, waxa uu yimid markii Ciidamada ay soo gaarta cabashooyin Shacabka uga timid oo ka dhan ah Shabaab, Intii laamaha amniga ay wadeen howlgalka waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil ciidan, waxey soo sheegeen in howlgalka lagu dilay Sarkaal sare oo katirsan Shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Abuu Qudaama, Sarkaalkan waxa uu ahaa Madaxa maaliyada Shabaab ee Buurhakaba iyo hareereheeda.
Howlgalka, sidoo kale ciidamada waxey ku soo qaateen Qori AK74 ah iyo bistoolad uu lahaa Marxuumka ay dileen, iyadoo ugu danbeynna ay dib ugu soo laabteen halka makii hore ay howlgalka ka sameeyeen.
Shabaab, wali kama hadal sheegada Saraakiisha Koofur Glabeed ee ah iney dileen Sarkaalkii dhanka Maaliyada ugu magacawnaa Shabaab.
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…