‘saddex Sano kaddib weerarkii Ceel Cadde, wali waa dhaawac furan’, Dailynation

Saddex Sano ka hor maanta oo kale ayey Ciidamo ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Weerarkaas waxaa uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Taariikhda Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF,waxaana uu wali yahay mid aysan jecleyn maqalkiisa dadka Kenyaanka ah ee wiilashoodii ku waayay.

Wargeyska Dailynation, ayaa saddex sano kaddib maqaal uu ka qoray Weerarkii Ceelcadde waxaa uu ku tilmaamay in uu yahay dhaawac furan oo aan bogsan.

Weerarkaas waxaa ku dhintay Askar badan oo aysan dowladda Kenya ilaa hadda tiradooda shaacin, ehelkoodiina aan magdhow la siin,waxaa jir ahaan iyo maskax ahaan ugu dhaawacmay kuwo kale, halka kuwan ay wali maqanyihiin raq iyo ruux.

Guddiga ay dowladda Kenya u saartay baarista weerarkii Ceelcadde saddex Sano kaddib ilaa hadda ma bixin jawaabo lagu qanci karo oo la xiriira sidii ay wax u dhaceen iyo khasaaraha gaaray Ciidanka Kenya.

Dailynation,waxaa ay leedahay, “xitaa ha sugin in sanadka soo socda la shaaciyo warbixinta rasbiga ah ee weerarkaas,waxaa ay qaadan kartaa tobanaan sano, haddii aad u maleyso in tani gaar u tahay Ciidanka Difaaca Kenya,waa maxay sababta aan loo xallin arrimo dagaalkii 2aad ee adduunka dhexmaray China iyo Japan oo ay 70 Sano ka soo wareegtay”.

Weerarkaas Askartii ku dhimatay,ku dhaawacantay ama ilaa hadda lagu la’yahay Nolol iyo geeri ayaa baroordiiq loogu sameynayaa degaanka Eldoret ee Galbeedka Kenya halkaas o ay ka soo jeedeen labada Guuto ee lagu weeraray Ceel Cadde.

Weerarka Ceel Cadde Askarta ku dhimatay waxaa lagu qiyaasay 120 ilaa 200 Askari,maaddaama Kenya ay sheegtay in xerada ay ku sugnaayeen labo Guuto oo kala ahaa guutada 5aad iyo guutada 9aad eeciidanka Difaaca Kenya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

4 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

6 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

7 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

12 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

14 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

14 hours ago