Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa ugu baaqay in guud ahaan Dadka wax kala tirsanaya in ay is cafiyaan fadliga maalintaan ay leedahay awgeed.
Xamse waxa uu sheegay in la joogo maalintii la is garab qaban lahaa si loo gacansiiyo bulshada kuwooda jilicsan ee aanay awoodin in ay helaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayuu ku bogaadiyay mas’uuliyadda ay iska saareen sugidda nabadgalyada oo ah waajib saaran, waxa uu la’aantood ku tilmaamay in aanay suuragelin nabadgalyada lagu wada joogo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dalka ay ka jirto abaar saameyn taban ku reebtay Dadka Beeraleyda ah & kuwa xoolo dhaqatada ah balse looga gudbi karo in la kordhiyo baryada alle iyo Dadka oo is garab qabta.
“Ciidda Al-Adxa mubaarak waxa ay astaan u tahay hurid la huro nafta & maalka iyada oo lagu raalligelinayo ilaahey, waxa aan u mahadcelinayaa Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah oo Habeen iyo maalin u taagan, nafta u hura sidii ay u sugi lahaayeen amniga shacabkooduna ugu noolaan lahaayeen nabadgalyo” RW Xamse Cabdi Barre.
“Sidoo kale waxa aan hambalyo u dirayaa Dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh ee waxa ay heystaan u diray walaalahood abaaruhu saameeyeen si ay ula qaybsadaan xannuunka abaaruhu keeneen, waxa aan ka codsanayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay sii labalaabaan dedaalka ay wadaan si ay u badbaadiyaan walaalahood waqtigaan adag aan ku jirno oo waxa ay heystaan wax uga siiyaan” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW Xamse Cabdi Barre.
Waddamada islaamka waxa ay maanta u tahay maalinta 1aad ee Ciidul-Adxaa, qoysas badan oo wajahaya duruufo kala duwan ayaan awoodin in ay ka qaybgalaan fantasiyaha maalintaan maadaama ay hardan adag ugu jiraan helista nolol-maalmeedkooda.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…