Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad ka jeedinaya shirka waddamada Carabta u dhaxeeya ee ka dhacaya Magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Masar ee looga hadlayo dib u dhiska Gaza ee Falastiin.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Farxaan Maxamed Jimcaale oo faah-faahin ka bixiyay safarta Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aanay isbaddelin mowqifka Soomaaliya ee dhinac istaagga Falastiin.
Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya safka hore uga jirto dalalka diidan in la barakiciyo Shacabka Magaalada Gaza sida ay qorsheeyeen Maraykanka iyo Madaxda Israa’iil taasina ay kordhineyso xiisadda taagan.
Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna Madaxda Carabta ee shirkaan ka qaybgalaya waxaana kamid ah Madaxweynaha gogoshaan dhigay ee Masar Cabdifitaax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xaaladda labada Dal.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa bilaabay baaris gaar ah oo lagu sameynayo dugsiyada Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Beesha Caalamka u gudbiso xubnaha Guddiga…
Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoonka Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka…
Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa si wadajir ah u xaqijiyeen in…
Dowladda Masar ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambaysay duqayn lagu beegsaday Macdan qodayaal u…
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa Uganda, Janaraal Muhoozi…