Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa si wadajir ah waxa ay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ uga wadaan deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiil kale ayaa qayb ka ah dardargelinta howlgalladaan ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa deegaannada qaar ee gacanta ‘AS’ ku jira ku socda duqeymo isugu jirta mid ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka iyo kuwo hubka culus ee Dowladda heysato u adeegsaneyso si ay isaga baxaan oo ciidamadu u qabsadaan.
Dhaqdhaqaaqa ciidan xooggiisa waxa uu ka socdaa deegaanno hoostaga Biya cadde, Ceel-Baraf, aqab duco, warciise, Baka-jeex xaaji Cali iyo Raaga ceelle, waxa ay ciidamada iskaashanaya ay qorsheeyeen xoojinta abaabulkooda.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Beesha Caalamka u gudbiso xubnaha Guddiga…
Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoonka Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka…
Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa si wadajir ah u xaqijiyeen in…
Dowladda Masar ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambaysay duqayn lagu beegsaday Macdan qodayaal u…
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa Uganda, Janaraal Muhoozi…
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay…