Dowladda Maraykanka ayaa kaalmada Militari ka jaratay dalka Ukraine kaddib markii la isku fahmi waayay wadahadalkii todobaadkii hore ka dhacay Aqalka Cad ee bahdilka isku baddelay maadaama Madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa canaan kala hortageen Zelensky.
Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in uu Madaxweyne Donald Trump uu amray in la joojiyo kaalmada Militari ee Ukraine, Volodymr Zelensky oo garabka Maraykanka ka baxay ayaa ku faraq xirtay Dalalka Yurub oo uu dhex geeyay fadeexaddii uu lasoo kulmay.
Sarkaal sare oo katirsan Aqalka Cad ayaa xogtaan u gudbiyay Warbaahinta ku hadasha Codka Maraykanka ee VOA aya sheegay in arrintaan loo qaaday joojinta colaadda si dhabbaha nabadda dib loogu laabto sida hadalka loo dhigay.
Donald Trump ayaa si cad u sheegay in Ukraine haddii ay saxiixi wayso heshiiska macdanta ee Maraykanka uu ka daneynayo Dalkaas in ay ku weyn doonto kaalmada Militariga, Zelensky ayaa ka meermeeray in uu qallinka ku duugo.
Ukraine ayaa xaalad kale oo uga daran dagaalka Ruushka wajahaysa, awoodda ugu weyn oo ay ku tiirsan tahay waa Maraykanka oo haatan u diidan ama ka joojiyay taageerradii Militari uu siinayay Dalkaas tan iyo markii uu billowday dagaalkaas socda waqtiga dheer.
Mustaqbal
Machadka Heritage ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Dhismaha Dowlad-Goboleedka HirShabeelle…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceeyay dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky isaga oo ku sheegay in…
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan…
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Garoonka Diyaaradaha ee…
Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa suuragal ah inuu garsooro kulammada Horyaalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay qorista dhallinyaro cusub oo ku biiraysa Ciidamada kala duwan…