GUDAHA/wararka

Isku dhac ka dhashay Lo’ la kala xaday oo ka dhacay Ismaamulka Kisii

Ismaamulka dhaca Koofur Galbeed ee Kenya laguna magacaabo Kisii waxaa ka dhacay isku dhac salkiisu yahay Lo’ la kala dhacay sida ay xaqijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka oo xogtaan la wadaagay warbaahinta gudaha Dalkaas.

Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa dhaawac kasoo gaaray dagaalkaan gacmaha la isula tagay ee ka dhacay Ismaamulka Kisii gaar ahaan Xuduudda Transmara ee galbeedka Bomachoge Borabu sida wararku sheegayaan.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday Fallaar, Manqar iyo Ulo waxaana markii dambe ku baxay ciidamo katirsan kuwa ammaanka oo xogtaan loo gudbiyay si ay u kala celiyaan labadaan dhinac ee dagaalamayay ku dhawaad saacad.

Kulan degdeg ah oo Hay’adaha amniga isugu yimaadeen ayay uga tashteen sidii ay ku xakamayn lahaayeen isku dhacyada salkoodu yahay Xoolaha la kala dhacayo iyo muranka kale ee dhinaca daaqsinta ama dhulka naqa badan leh.

Ciidamada gaarka ah ee GSU ayay Dowladda Kenya u dirtaay dhulka isku dhacyada xoolo dhaqatada ka jiro maadaama unugtaas ay tahay mid si gaar ah u tababaran lagana cabsado marka lagu arko iyaga oo howlgallaya.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Trump oo sheegay in Ukraine ay u baahan tahay Madaxweyne Cusub oo soo afjari karo dagaalka Ruushka 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceeyay dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky isaga oo ku sheegay in…

1 hour ago

Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan…

2 hours ago

Sacuudiga oo soo bandhigay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Dalkiisa 

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Garoonka Diyaaradaha ee…

3 hours ago

Cumar Cartan oo ku dhow inuu ka garsooro Horyaalka Masar

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa suuragal ah inuu garsooro kulammada Horyaalka…

21 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo xoogga saartay Tababarka Ciidan cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay qorista dhallinyaro cusub oo ku biiraysa Ciidamada kala duwan…

23 hours ago

Trump “Biyo Xireenka Itoobiya waxa uu xannibay Masar” 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in biyo xireenka Itoobiya ay horay u dhistay uu…

23 hours ago