GUDAHA/wararka

Afweyne oo ku guuleystay HOP248 oo Saadaq Joon horay ugu fadhiyay

Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) 12 sano ku xirnaa Dalka Biljam ayaa maanta ku guuleystay HOP248 oo horay ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo xubinnada Golaha Shacabka ku waayay aqbalidda xilka agaasime ku xigeenka Hay’adda NISA.

Doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu Maxamed Cabdi Xasan Afweyne xubin uga noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayaa jadwaleeyay buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad, waxaa diiradda u saaran kuraas kale oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Marka uu Xildhibaan is casilo ama uu qabto xil uu ku weyn karo xubinnimada Baarlamaanka waxaa kursigii uu ku fadhiyay dib loogu celiyaa Beesha isla leh oo loo muddeeyo waqtiga la qabanayo Doorashada si kursigaas loogu helo Xildhibaan ku metala.

Afweyne oo Janaayo sanadkii 2013 ku dhawaaqay in uu ka baxay Kooxihii Burcad badeedda ee xiligaas dardarta ku socotay ee malaayiinta doollar madax-furashada uga qaatay Maraakiib la qafaashay ayaa lagu xiray Magaalada Brussels ee Dalka Biljamka Oktoobar 2013kii.

Xabsi ku yaalla Biljamka ayuu kusoo qaatay ku dhowaad 12 sano isaga oo dhowaan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxa uu dib usoo laabashadiisa dalka kusoo beegmay iyada oo uu bannaan yahay kursigaan uu ku guuleystay maanta.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Trump oo sheegay in Ukraine ay u baahan tahay Madaxweyne Cusub oo soo afjari karo dagaalka Ruushka 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceeyay dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky isaga oo ku sheegay in…

18 mins ago

Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan…

60 mins ago

Sacuudiga oo soo bandhigay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Dalkiisa 

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Garoonka Diyaaradaha ee…

2 hours ago

Cumar Cartan oo ku dhow inuu ka garsooro Horyaalka Masar

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa suuragal ah inuu garsooro kulammada Horyaalka…

20 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo xoogga saartay Tababarka Ciidan cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay qorista dhallinyaro cusub oo ku biiraysa Ciidamada kala duwan…

22 hours ago

Trump “Biyo Xireenka Itoobiya waxa uu xannibay Masar” 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in biyo xireenka Itoobiya ay horay u dhistay uu…

23 hours ago