Kulan ay yeesheen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa waxaa lagu kordiyay cunaqabateynnada la xiriiray dhoofinta hubka iyo dhuxusha ee saarneyd Al-shabaab.
Qaraar loo dhan yahay ayay 15-ka xubnood ee Goluhu ayay ku kordhiyeen cunaqabateynta hubka ee saaraan Alshabaab, looguna hortago weeraro ay ka geysteen Geeska Afrika.
Qaraarkan ayaa siinaya Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood ay ku qabtaan oo ay ku baaraan maraakiibta looga shakisan yahay in ay hub ama dhuxul sharci darro ah ku safrinayaan biyaha Soomaaliya iyo guud ahaan aagga badda oo dhan, oo ay ku jiraan Badda Carabta iyo Gacanka Faaris.
Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan hadda saarneyn cunaqabateynta hubka ee ka dhalatay go’aankii Golaha Ammaanka ee 2023-ka ee ahaa in xayiraadaha laga qaado ciidamadeeda ammaanka, ayaa waxaa weli sii soconeysa cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Mamnuucidda Qaramada Midoobay ee 2012 ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa looga golleeyahay in la gooyo ilaha dhaqaale ee aasaasiga ah ee Al-Shabaab, iyada oo ay xayiraaddan baabi’ineysa warshadihii dhuxusha ee Soomaaliya.
Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan hadda saarneyn cunaqabateynta hubka ee ka dhalatay go’aankii Golaha Ammaanka ee 2023-ka ee ahaa in xayiraadaha laga qaado ciidamadeeda ammaanka, ayaa waxaa weli sii soconeysa cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. ilaa 13-ka Bisha Disember ee sannadkaan 2025.
Mustaqbal
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceeyay dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky isaga oo ku sheegay in…
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan…
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Garoonka Diyaaradaha ee…
Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa suuragal ah inuu garsooro kulammada Horyaalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay qorista dhallinyaro cusub oo ku biiraysa Ciidamada kala duwan…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in biyo xireenka Itoobiya ay horay u dhistay uu…