Warbixin muujineysa cunno la’aanta ka jirta Waqooyi-Galbeed Suuriya ayaa lasoo bandhigay, waxaana gargaar degdeg ah u baahan Dad gaaraya 3 Milyan oo ruux sida ay sheegeen hay’ado kala duwan.
Ruushka ayaa diidmo qaraxan ku hor istaagay qaraar Golaha Ammaanka uu ku damacsanaa in gargaar la gaarsiiyo Dadka ku sugan Waqooyi-Galbeed Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Mucaaradka.
Dadka oo waayay Gaaskii ay cunnada ku karsanayeen waxa ay door bideen in ay shitaan qoryaha iyo Baakadaha si ay u helaan cunnada ay u baahan yihiin in ay cunnaan, taasi waxa ay sababtay waqti badan la raadiyo qoryaha la shidayo.
Umu Cali, waxa ay muuqaalka Warbixinta kasoo muuqatay iyada oo biyo karkarineysa si ay raashin ugu kariso 7 carruur ah oo ay dhashay, waxa ay sheegtay in ay waayeen Gaaskii ay cunnada ku karsanayeen.
“Maalin weliba waxa ay carruurtu aaddaa meelaha qashin qubka ah si ay usoo uruuriyaan qoryaha la shidan karo si aan raashin ugu kariyo, waxa ay uruursadaan biyaha allamuniyamka ah, Balaastiga & wax weliba oo ay sii iibsan karaan si ay lacag ugu helaan uguna iibsadaan 4 Rooti oo ah cunnada quraacda oo keliya” ayay tiri Umu Cali.
Dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda waxaa usii dheer Dowladaha kala taageeraya dhinacyada hubeysan ee magacyada kala duwan wata oo Gobollo dhowr ah kala heysta, waxaa ka jira xaalado dhanka Nolosha ah.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…