Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in Hubka kala duwan ka iibiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,haddii laga qaado cunaqabateynta Hubka ah ee saaran.
Afhayeen u hadlay qeybta farsamada ee Milatariga Federaalka Ruushka ayaa sheegay in marka ugu horreysa ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay cunaqabateynta ka qaadaan Soomaaliya uu Ruushka ka iibin doono hubka ay dooneyso.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka,Sergei Lavrov ayaa sheegay in Muqdisho ay daneyneyso taageerada Moscow sidaas darteedna ay dowladdiisa diyaar u tahay in Soomaaliya ay ka taageerto horumarinta dhaqaalaha,tababarka Ciidanka iyo wada shaqeynta dhinaca amaanka ah.
Golaha amaanka ee Qaramada Midobey ayaa Soomaaliya saaray cunaqabateynta dhinaca hubka ah sanadkii 1992dii,waxaana mar waliba golaha kordhinayay cunaqabateyntaas.
Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa dhowr jeer shirar Caalami ah ka codsatay in laga qaado cunaqabateynta hubka ah ee saaran si ay ugu fududaato in ay qalabeyso Milatarigeeda.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…