WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Ruush oo xukumay gabar yar oo mucaaraday dagaalka Ukraine 

Maxkamad ku taalla Ruushka ayaa ku ridday xukun xabsi ah oo ku dhow saddex sano Daria Kozyreva, gabadh u ololeysay nabadda oo 19 jir ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira sumcad dil joogto ah oo ay ku hayso ciidamada dalkaas.

Kozyreva ayaa loo haystaa isticmaalka gabayo qarnigii 19-aad, qoraallo iyo wareysi ay siisay Sever Realii oo ah barnaamij ka baxa Radio Free Europe.

Mucaaradnimada dagaalka waxay gabadhan billaawday markii u horreysay bishii December 2022, xilligaas oo ay jirtay 17 sano, ereyada iyo farshaxanka ay baahisay waxaa kamid ahaa “Dilayaal, idinka ayaa qarxiyey, Yuhuudo khiyaano badan,”.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ficillada Kozyreva ay si cad u hoos u dhigeen sumcadda ciidamada Ruushka, xilli dalkaas uu cadaadis xooggan saarayo dhammaan dadka ka hor yimaada dagaalka Ukraine.

Mustaqbal

 

 

MM News

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

2 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

3 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

5 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

5 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

6 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

17 hours ago