GUDAHA/wararka

Khasaare ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar hoobiyeyaal ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal, hoobiyeyaashu waxay ku dhaceen degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne.

Marka la eego wararka hordhaca ah, hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay goobo ay dad rayid ah ku noolyihiin, iyadoo la xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof uu ku dhaawacmay weerarkaasi.

Qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa laga maqlay xaafado kala duwan oo ku yaalla gudaha magaalada.

Ilaa iyo hadda, ma jirto wax faahfaahin rasmi ah oo ay bixiyeen laamaha amniga ee gobolka Banaadir, mana cadda tirada rasmiga ah ee hoobiyeyaasha dhacay. Sidoo kale, lama oga cidda ka dambeysay weerarkan.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

6 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

9 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago