GUDAHA/wararka

Puntland oo soo bandhigtay meydadka xubno Ajanabi ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay Buuraha gobolka Bari

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay xubno u badan Ajanabi ka tirsan Daacish ku dileen deegaanka Togga Miiraale ee gobolka Bari.

Xubnahan ka tirsan Daacish ayaa weerar ku soo qaaday Saldhigyo ay Ciidanka Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Togga Miraale, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidamada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish ayna ku jiraan Ajanabi.

Sidoo kale, Sawirro ay baahiyeen Taliska Ciidamada Puntland ayaa laga arkayaa meydadka xubnahan la dilay oo yaalla meel u dhaw saldhigga Togga Miiraale ee gobolka Bari.

Dhinaca kale, Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ay weli sii wadaan howlgallada ay ka sameynayaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Daacish.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago