Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tirada khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaal ku dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Mid kamid ah Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay Xaafadda Ansalooti ee degmada Xamar Jabab, waxaana uu sababay dhimashada iyo dhaawaca carruur u socotay dugsi qur’aan.
Gabar yar oo kamid aheyd carruurta u socotay dugsiga ayaa geeriyoodatay, sida ay qoyskeeda xaqiijiyeen.
Sidoo kale, waxaa jira khasaare dhaawacyo oo soo gaarey dad kale, kuwaasi oo la geeyay xarruumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Weli laamaha Amniga ee gobolka Banaadir kama hadlin hoobiyeyaasha laga maqlay Degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Wayne.
Mustaqbal
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…