Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Roma Oo dhagta dhiiga u dartay Barcelona kana ciribtirtay koobka I CC Cup.

Kooxda Roma ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa International champions Cup-ka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub,

Roma ayaa guul adag oo 4/2 ah ka gaartay kooxda Barcelona ay labada kooxood isugu diyaarinayeen xilli ciyaareedkooda cusub.

Kooxda reer Italy ayaa u muuqata mid qorigeeda qabatay kooxda Barcelona kadib markii ay si la mid ah guul lama filaan ah ka gaartay champions League xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Barcelona ayaa 2/1 ku hogaaminaysay ciyaarta ilaa daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta laakiin kooxda Roma ayaa guulal 3 ah dhalisay daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Barcelona ayaa goolasha Furtay daqiiqadii 7-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Rafinha laakiin Roma ayaa bar-baraysay daqiiqadii 35-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Stephan El Shaarawy.

Saxiixa Cusub ee Malcom oo ay Barcelona Ka hor qaaday Roma daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa goolkiisii ugu horeeyay ka dhaliyay kooxda Roma daqiiqadii 50-aad.

Laakiin Roma ayaa 12 daqiiqo ku dhalisay 3 gool kuwaas oo ay u kala dhaliyeen xiddigaha Alessandro Florenzi,Bryan Cristante Iyo Diego Perotti.

Waxa ay guushu sidaas ku raacday Kooxda Roma oo ka aar gudatay Barcelona ka hor qaadistii ay ka hor qaaday Malcom dhulkana dhigtay Mar kale.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

8 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

8 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

11 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

11 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

13 hours ago