Real Madrid ayaa guushii saddexaad oo xidhiidh ah ka gaadhay kooxda Leganes oo qaybtii hore ee kulankan iska caabin samaysay balse ay Los Blancos dhulka si buuxda u dhigtay qaybtii labaad ee ciyaraarta iyada oo Karim Benzema uu laba gool dhaliyay halka Gareth Bale iyo Sergio Ramos ay min hal gool dhaliyeen.
Real Madrid ayaa sii wadata guulaha xidhiidhka ah ee ay xili ciyaareedkan ugu bilaabtay horyaalka La Liga iyada oo Lopetegui uu daawanayay kooxdiisa oo markale saddexda dhibcood ka reebtay Leganes.
Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Beranabue ku soo dhawaysay kooxda ay caasimada Madrid ka wada dhisan yihiin ee Leganes waxayna Los Blancos doonaysay in ay guusheedii saddexaad oo xidhiidh ah ee horyaalka La Liga ay ku hor gaadho jamaahiirta kooxdeeda ee Bernabeu.
SAFAFKII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Leganes XI (4-2-3-1): Ivan Cuellar; Juanfran, Unai Bustinza, Dimitrios Siovas, Jonathan Silva; Gerard Gumbau, Ruben Perez; Nabil El Zhar Javier Eraso, Michael Santos; Guido Carrillo.
Kaydka: Diego Rolan, Mikel Vesga, Allan Nyom, Daniel Ojeda, Jon Serantes, Youssef En-Nesyri, Kenneth Omeruo.
Real Madrid XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Marcelo, Sergio Ramos, Raphael Varane, Dani Carvajal; Toni Kroos, Casemiro, Luka Modric; Marco Asensio, Karim Benzema, Gareth Bale.
Kaydka: Keylor Navas, Nacho, Mariano, Lucas Vazquez, Marcos Llorente, Isco, Dani Ceballos.
DAQIIQADII 17 AAD Real Madrid ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana u dhaliyay Gareth Bale kaas oo sii wata gool dhalinta fiican ee uu ku bilawday xili ciyaareedkan cusub wuxuuna caawinta goolkan ka helay difaaca midig ee Daniel Carvajal waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Los Blancos hogaanka ku hantiday.
DAQIIQADII 23 AAD Rekoodhe! Kooxda Leganes ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay ciyaarta ugu soo laaban kartay kadib markii uu Casemiro qalad ku galay Eraso wuxuuna isla markiiba garsooruhu tilmaamay rekoodhe.
DAQIIQADII 24 AAD Xidiga kooxda Leganes ee Carrillo ayaa si degan u dhamaystiray rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay isaga oo waliba jahada qaldan u diray goolhaye Courtois oo 17 daqiiqo gudahood looga dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Real Madrid waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.
Leganes ayaa dardar cusub ka qaaday goolka ay la timid waxaana daqiiqadii 27 aad darbo ku tijaabiyay Coutois xidiga Leganes ee El Zhar laakiin Real Madrid ayaa si gaabis ah u raadinaysay goolka labaad iyada oo u muuqatay in ay Leganes kubbada ka ilaalinayso.
DAQIIQADII 43 AAD Karim Benzema ayaa helay fursad cajiib ah wuxuunau muuqday in uu dhalinayo goolka labaad ee Real Madrid balse goolhayaha Leganes ee Ivan Cuellar ayaa si layaableh lugtiisa ugu adeegsaday in uu Benzema goolkan ka beeniyo.
Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah iyada oo Leganes dhiiranaan muujisay markii ay goolka barbaraha la timid taas oo keentay in Madrid ayna helin goolkeeda labaad ee ay raadinaysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxay Real Madrid soo laabtay iyada oo waji cusub leh isla markaana doonaysa in ay gabi ahaanba meesha ka saarto iska caabintii Leganes taas oo ay si buuxda ugu guulaysatay.
DAQIIQADII 48 AAD Karim Benzema ayaa bilaabay duufaanta qaybtii labaad ee ciyaarta ay Madrid ku qaaday Leganes kadib markii uu dhaliyay goolka Los Blancos u suurtogaliyay in ay ciyaarta si buuxda ula wareegtay isaga oo Benzema caawin ka helay Marco Asensio waxayna ciyaartoy noqotay 2-1 ay Madrid hogaanka ku soo ceshatay.
DAQIIQADII 61 AAD Karim Benzema ayaa ciyaarta hurdada ugu diray goolkiisa labaad iyo kan saddexaad ee Real Madrid isaga oo markan caawin ka helay Luka Modric oo kulankiisii ugu horeeyay ee Real Madrid ku soo bilawday waxayna ciyaartu isku badashay 3-1 ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.
DAQIIQADII 65 aad rekoodhe!! Real Madrid ayaa markeeda lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu Marco Asensio qalad kala kulmay Siovas wuxuuna garsooruhu tilmaamay in ay rekoodhe tahay wuxuuna Asensio sii wadaa in qaladaad badan oo rekoodheyaal ah lagu galayo xili ciyaareedkan.
DAQIIQADII 66 AAD Sergio Ramos ayaa kubbada qaatay wuxuuna markiisa jahada qaldan u diray goolhayaha Leganes ee Cuellar isaga oo Ramos ciyaarta u badalay 4-1 ay Madrid ku dubanayso kooxda martida u ahayd ee Leganes.
Intaa wixii ka danbeeyay waxay ciyaartu noqotay mid dhamaadka lagu sugayay inkasta oo Real Madrid ay wali doonaysay in ay goolal kale dhaliso waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 4-1 ay Madrid ku xasuuqday Leganes si ay u gaadho guusheedii saddexaad oo xidhiidh ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…