Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Xoghayaha joogtada ah iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo dhiirro gelinta Maalgashiga Caalamiga ah.
Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Qorsheynta waxaa loo magacaabay Cabdulkaadir Aadan Maxamed, halka Agaasimaha Guud ee wasaaradda qorsheynta loo magacaabay Asad Yuusuf.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore shaacisay in dhamaan booska Agaasimayaasha guud ee 27-ka Wasaaradood la codsan karo islamarkaana sheegtay in muwaaddiniinta ay u fasaxanyihiin codsashada booska Agaasimayaasha Wasaaradaha.
Hadalkaas kaddin dhowr Wasaaradood ayaa loo magacaabay Agaasimayaal guud,iyada oo dowladda aysan ka hadlin waxa laga yeelayo dadkii codsaday agaasimayaasha Wasaaradaha.
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…