Madaxweynaha Ismaamulka Somalida oo maanta tagaya Jigjiga

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar uu maanta tagayo Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Soomaalida.

Safarka Mustafe ee Magaalada Jigjiga waxaa uu la xiriiraa ka qeybgalka kulanka Baarlamaanka Maamulka Soomaalida oo isla maanta ka furmaya Magaaladaas.

Waxyaabaha kulanka lagu wado in looga hadlo waxaa ka mid ah in ay Madaxweynaha kalsooni siiyaan sidoo kalena ay meel mariyaan isbeddelka uu ku sameeyay Calanka,Magaca iyo heesta Maamulka.

Madaxweyne Mustafe Maxamed Cumar,ayaa dhawaan sheegay in Calanka Ismaamulka uu noqonayo kii ugu horreeyay ee uu beddelay Cabdi Maxamuud Cumar,waxaa kale oo uu Magaca Maamulka ka reebay Itoobiya,waxaana uu ku soo gaabiyay Ismaamulka Soomaalida.

Sidoo kale Heesta Maamulka Soomaalida oo uu horay u joojiyay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu soo celiyay astaanta Maamulka taas oo ah “Soomaaliyey Toosoo”.

Mustafe Maxames Cumar ayaa ballanqaaday isbeddel muuqda oo uu ku sameynayo Maamulka Soomaalida,waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeybgalaan Hay’adaha dowladda Federaalka ah,maaddaama Soomaalida tahay bulshada saddexaad ee ugu badan Itoobiya iyo bulshada 2aad ee ugu dhulka weyn.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

22 hours ago