Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dibadbaxyo ay ka dhigaan Dalka Kenya, sababta ayuu ku sheegay in ay ku muujinayaan xuquuqda ay leeyihiin ee ka maqan.
Waxa uu ciidamada ammaanka gaar ahaan Booliiska uga digay in ay dhibaateeyaan Dadka Shacabka ah ee Rabitaankooda soo bandhigaya, waxa uu usoo jeediyay in ay ka fogaadaan kiis mustaqbalka dambe saameyn doonna.
Madaxda talada Kenya heysa ayuu ku sifeeyay in ay daaha gadaashiis ay ka maamulayaan tacadiyada ka dhanka ah Shacabka soo bandhigaya Baahida ay u qabaan in la dhaqangeliyo waxyaabaha ka maqan ee Dowladda laga rabo.
Labadii Isniin ee u dambeysay waxaa Kenya ka dhacay Dibadbaxyo Rabshado watay oo ay dhigeen taageerayaasha Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, waxaa gacmaha isula tagalay Ciidamada rabshadaha kahortaga oo biyo & suntan dadka ilinta ka keenta u adeegsaday si uu u kala eryo Dadkaas.
Dowladda Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa sheegtay in aysan diyaar u ahayn wadahadal gorgortan salkiisu yahay oo uu rabo in lala furo Hoggaamiyaha Mucaaradka ku ah ee Raila Odinga.
Mustaqbal
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…