Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle waxaa ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo ay wadaan Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas iyo Dadka deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda si ay ‘AS’ uga qabsadaan deegaannada ay weli joogaan.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgallada socda ujeedkoodu yahay sidii ‘AS’ looga saari lahaa deegaannada gacanta ku harsan ee dhanka kale ka ah Wabiga Shabeelle ee labada daan ka kala dhigay degmooyinka qaar maadaama uu dhexmaro.
Degmooyinka Gobolka Hiiraan waxaa lagu diyaariyay dhalinyaro u badan kuwa deegaanka waxaana la howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta DG Hir-Shabeelle sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolkaas.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Todobaadkaan dib ugu laabtay Magaalada Baladweyne ayaa ku dhawaaqay in dhowaan uu billaabanayo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah ‘AS’.
Marka uu howlgalkaas oo dhamamado ayuu sheegay in Shir weyne isugu imaanayaan dhammaan Dadka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan si ay uga arrinsadaan qorshaha xiga iyo sidii loo xoojin lahaa Amniga, dhismaha & adeegyada aasaasiga u ah nolosha dadka halkaas ku nool.
Mustaqbal
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…