GUDAHA/wararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa manta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Sacuudi Carabiya ee u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad.

Kulankan ayaa looga hadlay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo diiradda lagu saarey adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ee ku qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga ay mar walba la garab joogto shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay sare u qaadayaan maalgashiga Sacuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay kordhinta taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay Safiirada dalalka Caalamka ee ku sugan gudaha dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

17 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

20 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago