Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed Shiino, ayaa ku dhawaaqay in Tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir la qaban doono bilowga sanadka 2026.
Guddoomiyaha ayaa xaqiijisay in isku aadka tartanka la qaban doono 22-ka Diseembar 2025, halka ciyaaraha rasmiga ah la bilaabi doono 24-ka Janaayo 2026.
Tartanka ayaa dhamaantiis waxaa maamuli doonto Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, iyadoo ay taageeri doonto Wasaaraddda Ciyaaraha iyo Dhalinyarrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya.
Sannadkaan waxaa tartanka ku cusub Maamulka Waqooyi Bari oo wehlin doona dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Tartanka ayaa markii u dambeysay la qabtay bishii Janaayo ee 2024, markaasi oo uu ku guulleystay Maamulka Galmudug.
Waxaa xusid mudan in Maamulka Puntland diiday ka qeyb galka tartanka goboleedyada, sabab la xiriirtay khilaafka siyaasiga ah.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…