Dowladaha Pakistan iyo Türkiye ayaa ku dhawaaqay iskaashi cusub oo dhinaca difaaca iyo horumarinta warshadaha soo hubka, si ay sare ugu qaadaan awoodooda dhinaca Militeriga.
Wafdi sare oo ka socda Dowladda Turkiga oo ay ku jiraan Khubaro ku takhasusay diyaaradaha, injineeriyadda hawada sare, tignoolajiyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), difaaca casriga ah, injineeriyadda baabuurta iyo qalabka warshadaha, ayaa booqday Islamabad.
Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay kala hadleen dowladda Palistaan sidii loo horumarin lahaa Tiknoolajiyadda iyo hubka casriga ah oo ay ku jiraan Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones.
Wasiirka Ganacsiga Pakistan, Jam Kamal Khan, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan Turkiga, si uu qeyb uga qaato horumarinta awoodda difaaca ee dalkaasi.
Wuxuu xusay in labada dal ay iska kaashanayaan difaaca hawada, horumarinta macdanta, iyo warshadaha la wadaago ee Hubka.
Dalka Pakistan ayaa kamid ah quwadaha caalamka ee leh hubka casriga ah ee Nukliyeerka ee wax u gumaada.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…