GUDAHA/wararka

Fiqi oo Mucaaradka ku dhaliilay in ay diideen saddex tallaabo oo ay dowladu qaaday!

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Mucaaradka dowladda ka hor yimaadeen saddex horumar uu sheegay in wax laga qabtay.

Fiqi ayaa sheegay in Madasha Samatabixinta ay diideen; doorasho, dastuur, iyo amniga, isaga oo yiri, “Doorasho waa diideen, dastuur waa diideen, haddana Amniga jira ee shisheeye iyo shacabba la wada qirayo ayay muran gelinayaaan.”

Hadalkaan uu Wasiir Fiqi ku faafiyay bartiisa Facebook ayaa uga falceliyay wareysi uu dhawaan bixiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaas uu uga warramayey xaaladda guud ee dalka sida; doorashooyinka, amniga iyo dhameestirka dastuurka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho bishan taariikh dhigi doonta, iyada oo dooraneysa, “dad ay kala xisaabtami karto amniga iyo horumarka, qofkii intaas diidanna waa mid shabaabka la jecel in ay dalka ka taliyaan,” sida uu ku yiri qaraalkiisa.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa todobaadkaan Muqdisho ka waday isku soo baxyo ay ku mujinayaan sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgalinta doorasho dadweyne iyo sida ay shacabka Muqdisho uga qeyb qaadan lahaayeen doorashada loo asteeyey in gobolka Banaadir ka dhacdo December 25, 2025.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago