GUDAHA/wararka

Booliska oo soo bandhigay laba Wiil oo Mataane ah oo la sheegay in Muqdisho lagu afduubtay

Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay laba Wiil oo wada dhalatay, oo Mataane ah kuwaas oo horey loo sheegay in uu afduubtay mid ka mid Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanlle Cabdifitaax Aadan Xasan oo shirjiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay labada Wii loo lagu kala magacaabo Ibraahim Muuse Ibraahim, Yuusuf Muuse Ibraahim iyo Aabahooda, isaga oo sheegay in arrintooda loo soo qabtay hal ruux.

Afhayeenka Booliska ayaa beeniyay wararka sheegaya in Xildhibaanka uu afduubtay labadaan wiil, balse ay xeer ilaalinta ku wareejiyeen eedeysanaha, halka kuwa kale lagu raadjoogo, ka dib markii caddeemo laga helay Kaamirada qarsoon ee CCTV.

Booliska Soomaaliya weli si rasmi ah uma sheegin mas’uuliyiinta ku lugta leh afduubka Wiilasha wada dhashay, ee sheekadooda todobaadyo haystay baraha bulshada, kuwaas oo dalbaday in arrintooda ay soo farogaliyaan laama amaanka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

14 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

16 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

21 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

23 hours ago