GUDAHA/wararka

Sidee Soomaalida Mareykanka ku sugan u dareemeen hadallada naceybka ee Trump?

Qoysas badan oo Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay dareemeen saameynta hadallada naceybka iyo takoorka leh ee ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump, kaas oo maalmihii la soo dhaafay si cad u sheegay inuusan dalkiisa u dooneyn Soomaalida.

Qaar ka mid ah waalidiinta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in la kulmeen aflagaado iyo cay ka dhan ah asalkooda iyo diintooda.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacay dadka Soomaalida ah isugu jimaada goobaha bulshada sida makhaayadaha, iyadoo dadka ka fogaanayaan takoorka iyo naceybka laga faafiyay.

Jaylani Hussein, agaasimaha Golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka oo loo soo gaabiyo CAIR ayaa u sheegay wargeyska The New Arab in dadkii qabay cunsuriyadda Soomaalida ay ka shidaal qaateen hadallada Naceybka ee Trump.

Sidoo kale, Agaasime Jeylaani ayaa caddeeyay in ay diyaariyeen warqado iyo wacyigilin laga bilaabayo goobaha Waxbarashada ee gobolka iyo guud ahaan Mareykanka, kuwaasi oo lagu tilmaamaya in Soomaalida yihiin dad nabad oo aysan waxba ka jirin naceybka laga faafiyay.

Dhaqdhaqaaqyada ayaa ka dhashay hadallada adag ee ka soo yeeraya Madaxweyne Trump, kaasi oo ay is hayaan Xildhibannada Mareykanka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee Ilhaan Cumar.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

14 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

29 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago