GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in uu xiriir kala dhaxeeyo Israa’iil

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay war kasoo baxay Israa’iil gaar ahaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda haweeneyda lagu magacaabo Sharren Haskel oo ahaa in Xiriir uu ka dhaxeeyo Muqdisho iyo Tel Aviv.

Waraysi ay siisay Sharren i24NEWS waxa ay ku sheegtay in xiriirka ka dhaxeeya Israa’iil iyo Soomaaliya uu ku qotomo kahortagga kooxaha Xuutiyiinta Yemen si aanay khatar ugu noqon Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Warkaas waxaa beeniyay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad) oo sheegay in aanay jirin cilaaqaad kala dhaxeeya Israa’iil, Warkaasina uu yahay  mid been abuur ah.

Cali Balcad ayaa intaas ku daray in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid garab istaagaya Falastiin sidaas awgeed aanay meesha imaan Karin xiriir ay la wadaagi karaan dhinaca Israa’iil, waxaana uu meesha ka saaray jiritaanka xiriirkaas.

Soomaaliya & Israa’iil weligood ma yeelan xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah iyo mid dadban, waxa ay Soomaaliya kamid tahay Dalalka Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ee sida wayn uga soo horjeeda gumaadka & dhul ballaarsiga ay wado Israa’iil.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

8 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago