Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka  Oo Ku Baaqay Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay shir waynaha  culimada Soomaaliyeed, ayaa ku booriyay culimada in ay asaasaan Golaha culimaa udiinka Soomaaliyeed.

Khudbad uu Shirka ka jeediyay ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Culimadu waligeed ay dowr muhiim ah ku lahaayeen aasaaska, horumarinta iyo hagidda dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, hadana laga doonayo iyaga oo midaysan in ay kala shaqeeyaan dawladda dhismaha dawlad wanaagga iyo hir-gelinta dastuur heshiis lagu yahay oo aasaas ay u tahay shareecada Islaamka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in ay dalka ka jirto dhibaato amni oo salka ku haysa afkaar qaldan, sida kaliya ee looga guulasayn karaana ay tahay in culimadu iyaga oo wadajira ay dawrkooda ka qaataan oo umadda u sheegaan dhibaatada uu leeyahay fikirka xag-jirnimada ku salaynsan.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka dalbaday culimada Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hor tagaan arrimaha shareecada ka hor imaanaya, Horumuudna ay u noqdaan horumarka dalka iyo  dib-u-heshiisiinta, isaga oo intaa raaciyay In ay muhiim tahay in culimo, shacab iyo dawladba ay isu kaashadaan hir-gelinta natiijada kasoo baxda shir waynaha  culimada Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay furay Shir waynaha Culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayo kaalinta culimada Soomaaliyeed ee Geedi Socodka Amniga iyo dib-u-heshiisiinta dalka, ayna kasoo qayb galeen Culima Soomaaliyeed.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago