Magaalada Nairobi, waxaa maanta ka dhacay shir hal maalin ah, kaasoo ay isugu yimaadeen Xildhibaano labada Aqal ah, Gudoomiyayaasha Xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira dalka iyo Siyaasiyiin, kaasoo looga hadlay xaalada guud ee dalka.
Shirka waxaa diirada lagu saaray arrimaha; Amaanka, Doorashooyinka, Dastuurka, Wadahadalka Soomaaliya iyo Somalialnd, iyadoo laga soo saaray War-Murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii ka soo baxay shirka.
Shirka oo gogoshiisa uu lahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Cabdi Gaandi, dadkii ka qeybgalay waxaa kamid ah ahaa, Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur, Gudoomiyaha Xisbiga Ileys C/qaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/faarax Juxa, Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/nuur Sheekh Maxamed, Safiirkii hore Soomaaliya ee dalka Kenya Ameeriko iyo Xildhibaano labada Aqal ah.
Shirkooda ayey iskula qaateen ineysan ogolaan doonin in dowladda Soomaaliya wax mudo kordhin ah ay sameysato, iyagoo Xukuumada ku eedeeyay iney ka gaabisay wax ka qabashada amniga dalka gaar ahaan kan Caasimada.
Halkan Hoose ka aqriso qoodbadii ka soo baxay Shirka:
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…