Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya, Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa sheegay in shacabka deegaannadaasi doonayaan Maamul cusub oo hoos yimaada Dowladda Federaalka.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in gobolka Awdal iyo Shacabkiisa muujiyeen sida ay ugu baahan yihiin yagleelida Maamul cusub.
“Madaxweyne Xasan Shiikh waxaan salaam kaaga sidaa Shacabka Awdal – waxaan soo jeedinaya in gobolkaasi Awdal waa in loo sameeyo maamulka cusub ee Awdal Sate, kasi oo si rasmi ah u hoos imaan doona Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Ayuub.
Dhinaca kale, Mas’uuliyiin kale oo ka hadashay Munaasabadda oo uu kamid yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin ayaa sheegay in dowladda ka fakirto aqoonsiga gobolka Awdal.
“Madaxweyne Xasan Shiikh Awdal aqoonso oo ciidanka qaranka gee, si ay amniga halkaasi u xaqiijiyaan” ayuu yiri Faarax Macalin Maxamed.
Gobolka Awdal ayaa kamid ah gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, iyadoo hadda ay maamulaan Somaliland.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…