Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta u kicitimay dalka Qadar.
Wafdiga wasiirka waxaa ku weheliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Badda, iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan laamaha ammaanka.
Socdaalkan oo qaadan doona muddo toddobaad ah, ayaa ujeeddadiisu tahay in wadahadallo lala yeesho madaxda dalka Qatar, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca, tababarrada ciidanka, iyo qalabeynta.
Arrimaha labada dhinac ka wada hadli doonaan ayaa waxaa qeyb ka ah casriyeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka badda oo waajibaadkooda yahay in ay door ka ciyaaraan ilaalinta khayraadka iyo amniga biyaha Soomaaliya.
Socdaalkan ayaa imaanaya todobaad uun ka dib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay ku dhowaqeen inay gabi ahaanba baabi’iyeen heshiisyadii iskaashi ee dhanka amniga iyo difaaca ee Soomaaliya la gashay dalka Imaaraadka Carabta.
Qadar oo kamid ah dalalka sida dhow u taageera dib u dhiska ciidanka qalabka sida ayaa lagu wadaa in ay mar kale heshiisyo la saxiixato Soomaaliya.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…