Wasiirka warfaanta Dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo kamid ah guddiga qaban qaabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntand, ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga fa’idaysto xaada caleemo saarka.
Wasiirka warfaanta Puntland oo war baahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay guddiga qabanqaabadu in ay kala hadli doonaan martida qudbadaha ay jeedinayaan Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Deni.
Cabdi Xirsi Cali ayaa sidoo kale sheegay in aysan Puntland wax ujeedo siyaasadeed oo u gaar ahka lahayn in ay Garowe isugu keento wafuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexayso, balse muhiimadu tahay in Puntland muujiso inay qadarin uhayso muxaafid iyo mucaarad.
Hadalka wasiirka warfaanta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysa oo ay madal isugu imaandoonaan Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyada oo la sugayo qudbadahooda.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…