GUDAHA/wararka

Puntland oo dalac siisay Taliyayaasha Ciidamo ka soo goostay maamulka Somaliland.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland, ayaa Darajooyin dalacsiiyay Taliyayaashii hoggaamineysay Ciidamo ka soo gostay dhinaca maamulka Somaliland, kuwaasoo isu soo dhiibay maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

Munaasabad lagu soo dhaweynayay xubnahan oo ka dhacday Degaanka Bali-busle ee gobolka Sanaag waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha barlamaanka Puntlan, kaasoo maalmahanba halkaasi u joogay soo dhaweyntan xubnahan oo ka hor inta aysan soo goosan Tilifoono iska soo hormariyay.

Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay ballanqaaday xuquuqaha iyo mushaharaadka Ciidamada ka soo goostay Somaliland.

“Puntland waxay jirtay 20 sanno, waxaa jiray taariikho adag oo inna soo maray, laakiin maanta waxay inna ilowsiinaysaa, oo inna hilmaamsiinaysaa taariikhigii madoobaa ee Puntland soo maray, waxaan rajaynaynaa in Sanaag ay Tusaale u noqon doonto gobolada kale ee Somaliland dhibka ku hayso ee Sool iyo Cayn” ayuu yiri wasiir Galan.

Halkan Hoose ka aqriso xubnaha la dlaacsiiyay:

Taliyihii Guutada 93-aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle Dhexe Xuseen Faarax Aadan, waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare.

Taliyihii Guutada 116-aad Gaashaanle Dhexe C/rashiid Axmed Jaamac , isaguna waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Sare.

Taliyihii Ururka Koowaad ee aagga Dhahar Gaashanale Jaamac Cabdi Geesood, waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Dhexe.

Web master

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

27 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

8 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago