Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa xalay xiligii AF-Furka kadib waxa ay howlgallo baaritaana ah ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinleey, halkaas oo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amaanka Caasimada.
Sida wararku sheegayaan howlgalka oo Guri guri ahaa, ayaa si gaar ah looga sameeyay inta u dhexeysa Xaafadaha Nasteexo ilaa Suuqa Weyn oo Wadajir ah, halka dhanka Dharkiinleey laga sameeyay Xaafadaha Xoosh ilaa Tabakaayo Madoow.
Qaar kamid ah dadkii baaritaanada lagu soo qabtay, ayaa inoo sheegay in Su’aalo weydiin dheer kadib la sii daayay inta badan raggi la qabtay, balse laamaha amaanka ay hore u kexeysteen dad looga shakiyay Shabaabnimo.
Baaritaanada meelaha ay ka socdaan, ayaa waxaa hakad galay isu socodka gaadiidka iyo meelha qaar ee ganacsiga, waxaana Ciidamada ay sidoo kale ahaayeen kuwo dadka gawaraida kala dagayay.
Ma jirto wali wax war ah oo Saraakiisha amaanka ka biixyeen baaritaanadan, balse waxa ay qeyb ka noqonayaan howlgalada amniga lagu sugayo bishan Ramadaan ee laamaha amaanka ka wadaan Caasimada.
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…